Ciidanka Xasilinta ee sida militariga u tababaran ee Military-Police (MP) oo ATMIS kala wareegay fariisimahoodii degaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho.
Taliyaha Ururka 3-aad, Guutada 22-aad ee ciidamada Maxamed Soomaali ayaa si buuxda amniga deegaankaas iyo degaannada kale ee ku dhaw la wareegay.
Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto sidii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay si buuxdo ATMIS ugala wareegi lahaayeen guud ahaan amniga dalka.