Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa si wada jir ah munaasabadda Ciidul Adxa awgeed waxa ay Hambalyo u direen dhammaan Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.
Guddoonka Labada Aqal ayaa bulshada ugu baaqay in ay iscafiyaan oo ay dhexdooda isu gurmadaan, si shacabka ay farxad ugu wada ciidaan.