Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furay shir heer caalami ah oo lagu midaynayo barnaamijka Wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka cimilada ee Soomaaliyada Cagaaran iyo Great Green Wall initiative oo ay ku mideysan yihiin 11 waddan, ayna Soomaaliya ku noqonayso 12-aad.
Wasiirka deegaanka iyo is badelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Almaqsuumi ayaa faah faahisay Hindisaha Cagaarinta Afrika ee Madaxweynuhu daahfuray.
Wasiir Khadiijo ayaa sheegtay in ay Soomaaliya muddo dheer ay wajahaysay Xaalufka Deegaanka iyo isbadelka Cimilada oo ay sababtay dhibaatooyin dhanka Fatahaadaha, Abaaraha, Daadadka iyo xeebaha oo ay soo buux dhaafiyeen bacaad fara badan oo ku soo guuray, taas oo dhibaato ku noqday Deegaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagoo ka duulay dhibaatooyinka soo wajahay Deegaanka waxa uu ku dhawaaqay qorshaha Deegaanka Cagaaran si wax looga qabto dhibaatada Deegaanka.