Thursday, November 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay cunaqabateynta Maaliyadeed ee Argagixisada Al-Shabaab

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Mareykanka kala hadlay cunaqabateynta Maaliyadeed ee Argagixisada Al-Shabaab
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson ayaa soo bandhigay tallaabooyina dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeerarka iyo shuruucda  loo jideeyey cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada iyo tallaabooyinka sirdoon ee lagu burburiyey ilaha-dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen argagixisadu ay soo dedejisay guulaha laga gaaray furimaha dagaalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhibaateynayeen shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay Ku-xigeenka Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka ee Arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Brian Nelson iskaashiga Soomaaliya iyo Maraykanka ee cunaqabateynta maaliyadeed ee argagixisada, doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta iyo hormarka laga sameeyay barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Dhankiisa, Brian Nelson ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha soo dhaweynta iyo kulanka ay yeesheen, waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya ka hortaga lacagaha sharcidarada iyo ladagaallanka argagixisada.

Previous Post

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS  oo ka dooday ku noqoshada Miisaaniyadda 2023

Next Post

Dhuusamareeb: Dardargelinta wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo laga hadlay

Next Post
Dhuusamareeb: Dardargelinta wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo laga hadlay

Dhuusamareeb: Dardargelinta wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo laga hadlay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Shir Guddoomiyey Kulanka Guddiga Joogtada ah.

November 27, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyey kulanka 9-aad ee...

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

November 27, 2025
0

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada Muqdisho ayaa galay maalintiisa afaraad, iyadoo maanta lagu soo bandhigay dood...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

November 27, 2025
0

War-saxaafadeedka.   Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa gacanta ku dhigay shabakad Khawaarij ah...

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

Golaha Shacabka ee BJFS oo ka dooday heshiiska aas-aasida ciidanka heeganka Bariga Afrika.

November 26, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga todobaad kulankiisa 15-aad, waxaana shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In