Friday, July 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah QM ee Soomaaliya 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah QM ee Soomaaliya 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka ayaa waxay Guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro Khawaariijta oo meel wanagsan maraya. Sidoo kale waxay xustay sidii Baarlamaanka kaalin uga qaadan lahaa war-murtiyeedkii Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Related posts

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026

Dhanka kale Marwo Katriona ayaa adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howlwadeennada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka, waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo dhagax dhigay Wasaaradda Arrimaha diinta iyo Awqaafta 

Next Post

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay Wafdi ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Hay’adaha WFP iyo SCC

Next Post
Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay Wafdi ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Hay’adaha WFP iyo SCC

Wasiirka Shaqada XFS oo qaabilay Wafdi ay hoggaaminayaan Agaasimayaasha Hay’adaha WFP iyo SCC

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

Madaxda Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay bahda Caafimaadka

July 23, 2026
0

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa maanta kulan la yeelatay bahda caafimaadka dalka oo isugu jira Hay’addaha caafimaadka dowladda...

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

Wafdi uu hogaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug oo gaaray Degmada Baxdo

July 23, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Baxdo ee Gobolka Galgaduud....

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka

July 23, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Dhaqanka iyo Farshaxanka, oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

Wasiirka Amniga XFS oo daah-furay Barnaamijka Iskaashiga Dhismaha iyo Xoojinta Amniga Xuduudaha

July 23, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In