Thursday, October 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada XDS ee ku sugan  deegaanka Daaru-nimca

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada XDS ee ku sugan  deegaanka Daaru-nimca
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo wada abaabul ka dhan ah Kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa maanta kormeeray Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee ku sugan Deegaanka Daaru-nimca

Mudane Cali Guudlaawe ayaa goob fagaare ah kula hadlay boqolaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa dib u xoreynta deegaanka oo uu ku bogaadiyay guulaha ay ka gaareen cadowga khawaarijta ah ee u taagan gumaadka iyo baabi’inta Ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay inay farumaha dagaalka ay u joogaan hogaaminta dagaalka iyo dhiirigalinta Ciidanka Soomaaliyeed, waxa uuna halkaas kula kulmay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin, Sanater Afcadey, Wasiirkii hore ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida iyo Saraakiil kale oo iyana gaaray deegaanka Daaru-nimca.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa soo indha indheeyay masaajidkii waynaa ee Daaru-nimca oo ay qaraxyo ku burburiyeen kooxda khawaarijta ah, isagoo tilmaamay in la joogo waqtii dhamaadka Al-shabaab, dhowaana la ciribtiri doono.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa deeq xoolo ah ku wareejiyay Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay Daaru-nimca.

 








Previous Post

Duqa Muqdisho oo faray in la baaro waxa sababay dhismo ku soo dumay Hooyo iyo Carruurteeda

Next Post

Mas’uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Next Post
Mas’uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan “SAWIRRO”

Mas'uuliyiin dhiirigelin ugu tegay ciidamado ku sugan Gobolka Hiiraan "SAWIRRO"

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In