Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Qalabka sida oo Burburiyay saldhiggii khawaarijta ee Koonfurta Mudug 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
2 years ago
in Wararka
0
Somali National Army, International Partners conduct operation in Dumaye area
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal Militari oo shalay ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, ayaa lagu burburiyay xaruntii Khawaarijta ee Koonfuurta Gobolka Mudug.

Howlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ah ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka, ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijtu ku laheyd duleedka Dumaaye halkaas oo aheyd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday Culimada deegaanka una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan Qaraxyada, hoyna u aheyd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Marka uu dhacayay howlgalka waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,

Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.

Howlgalka,ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo nuuca loo yaqaano BG kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato qasaaraha Khawaarijtu. Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay Xerada.

Dawladda waxa ay cambaaraynaysaa Khawaarijta oo ka aar gudanaaya howlgalkaas ay laayeen dad shacab ah oo u afduubnaa, kuwaas oo gaaraya shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay howlgalkaan guulaystay.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo furay qeybta daweynta Isku-furanka ee Isbitaalka Deyniinle “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo furay qeybta daweynta Isku-furanka ee Isbitaalka Deyniinle “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka oo furay qeybta daweynta Isku-furanka ee Isbitaalka Deyniinle "SAWIRRO"

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In