Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidanka Qalabka sida oo Burburiyay saldhiggii khawaarijta ee Koonfurta Mudug 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Somali National Army, International Partners conduct operation in Dumaye area
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal Militari oo shalay ka dhacay deegaanka Dumaaye ee Gobolka Mudug, ayaa lagu burburiyay xaruntii Khawaarijta ee Koonfuurta Gobolka Mudug.

Howlgakaan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka ah ee taageera dowladda iyo xoogagga shacabka, ayaa lagu beegsaday xarun ay Khawaarijtu ku laheyd duleedka Dumaaye halkaas oo aheyd mawlaca ay Khawaarijtu horay uga dhacday Culimada deegaanka una badashay xero ay ku tababaraan maleeshiyaadkooda, ku diyaariyaan Qaraxyada, hoyna u aheyd horjoogeyaasha maleeshiyaadka Khawaarijta ah.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Marka uu dhacayay howlgalka waxaa goobtaas ku faylsanaa maleeshiyaad gaaraya saddex boqol, waxaana hadallo marin habaabin ah u jeedinayay horjoogeyaal iyo kuwa diinta sida qaldan u fasira ee ay ugu yeeraan daaciyaal,

Hawlgalka oo u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaa ku geeryooday 167 ka tirsan Khawaarijtii goobta taagnaa oo ay ku jiraan sadex horjooge, waxaa sidoo kale dhaawacmay 87 kale kuwaas oo dhaawacyadoodu u badan yihiin kuwa aad u liita.

Howlgalka,ayaa sidoo kale lagu burburiyay afar gaari oo ay ku jiraan labo nuuca loo yaqaano BG kuwaas oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa , isla markaana sababay in uu sii bato qasaaraha Khawaarijtu. Waxaa halkaas ka dhashay dab wayn oo keenay in Khawaarijtii banaanka joogtay ay u gurman waayaan kuwa ku halaagsamay Xerada.

Dawladda waxa ay cambaaraynaysaa Khawaarijta oo ka aar gudanaaya howlgalkaas ay laayeen dad shacab ah oo u afduubnaa, kuwaas oo gaaraya shan qof, taas oo muujinaysa falalkooda ka baxsan Diinta Islaamka.

Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah ee gacanta ka gaystay howlgalkaan guulaystay.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo furay qeybta daweynta Isku-furanka ee Isbitaalka Deyniinle “SAWIRRO”

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo furay qeybta daweynta Isku-furanka ee Isbitaalka Deyniinle “SAWIRRO”

Wasiirka Caafimaadka oo furay qeybta daweynta Isku-furanka ee Isbitaalka Deyniinle "SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In