Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartanka Hirgeli Hibadaada oo saakay ka furmay Tiyaatarka Qaranka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Tartanka Hirgeli Hibadaada oo saakay ka furmay Tiyaatarka Qaranka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xarunta Wakaaladda Murtida iyo wacyigalinta Qaranka ee Tiyaatarka Qaranka waxaa maanta si rasmi ah uga furmay barnaamijka tartanka Hirgeli Hibadaada oo ay ka qeyb galayaan bahda Sugaanta qeybahooda kala duwan.

Tartanka oo uu horay u daah furay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa muddada uu soconayo  tartamayaasha ku soo bandhigi doonaan sugaan ka hadleeyso falalka guracan oo ay khawaarijtu ku heyso shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb qaadashada dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Tartamayaashii saakay lagu daah-furay ayaa halkaas ku soo bandhigay heeso iyo gabayo ka hadlay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, iyo halista kooxaha argagixisada ah.

Mid kamid ah tartamayaasha hirgeli hibadaada oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Cabdullaahi ayaa yiri “Madaxweyne geesi ah markuu talada miisaamay iska dila mariidkana na yiri ee midnimo duula milatari careysani markuu Miigga amar siiyey”.

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa daah-furkii toddobaadkii hore ka sheegay in u jeedka yahay sidii kaalin weyn Abwaaniinta Soomaaliyeed uga qaadan lahaayeen dagaalka lagula jiro kooxda khawaarijta, Midkaas oo noqdoono wejiga saddexaad ee khawaarijta loogula dagaalamayo dhanka Fikirka.

Dagaalka ka dhanka ah  khawaarijta ayey Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed u midoobeen, iyadoo suugaantu ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee Soomaalidu fariimaha isku gaarsiiyaan, iyadoo barnaamujkan qayb ka noqonayo qorshaha dowladda ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka ah.

Previous Post

KSrelief signs $5m deal to provide clean drinking water in Somalia

Next Post

Former Parliament Speaker call for the public to stand side by side with the Army

Next Post
Former Parliament Speaker call for the public to stand side by side with the Army

Former Parliament Speaker call for the public to stand side by side with the Army

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In