Sunday, January 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku soo xiray shirka hannaanka dib-u-eegista 6-aad ee Barnaamijka deyn-cafinta Soomaaliya oo ka socday magaalada Nairobi.

Shirkan oo muddo labada Todobaad ah ka socday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, uuna shir Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa intii uu socday waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-eegista horumarka Maaliyadda Soomaaliya iyo wixii ka qabsoomay fulinta shuruudaha Deyn Cafinta, oo arrimaha ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dib-u-habeynta iyo sare u qaadda dakhliga Dowladda iyo hufnaanta maamulka Maaliiyadda ee dalkeenna.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

Wasiirka ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn cafinta, isla markaana guddiga sare ee Hay’adda Lacagta Adduunka laga filayo inay go’aan ka gaaraan bisha December ee sanadkan.

Wasiirka Maaliyadda  Soomaaliya ayaa xusay in arintan ay dadaal ku bixiyeen Hay’adaha kala duwan ee dowladda, isagoo faah faahiyay muhiimadda ay ganacsatada u leedahay barnaamijka deyn cafinta, kuwaasi oo heli doono fursado maalgashi.

Mudane Biixi Iimaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdeenu ay dadaal ku bixin doonto sidii isku filnaansho dhaqaale loo gaari lahaa.

Shirkaan maanta la soo gabagabeeyay ayaa intii uu socday waxaa ka qaybgashay Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya, xubno ka tirsan xafiiska Bankiga ee dalalka Bariga Afkrika, qaar ka mid ah Hay’adaha Dowladda, sida Wasaaradda Maaliyadda oo hoggaanka shirka ah, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Badroolka, Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda.

 





Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb "SAWIRRO"

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In