Monday, July 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Guddoonka Labada Aqal kulan wada jir ah kula qaatay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan wadajir ah kula qaatay magaalada Dhuusamareeb, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Gudoomiyaha Aqalka Sare, mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kala hadlay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dardar galinta dagaalka ciribtirka Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa warbixin ka siiyay guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamaanka dalka guulaha muhiimka ee laga gaaray dagaalka argagixisada oo bilooyinkii lasoo dhaafay si dardar leh uga socday deegaannada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, isaga oo soo bandhigay sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo midoobo sidii waqti kooban cadowga looga saari lahaa deegaannada ay wali kaga dhuumaaleysanayaan dalka.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026

Dhankooda, Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda oo Dhuusamareeb u yimid dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo garab istaagga kacdoonka shacabka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadanayaan dagaalka Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyay doorkiisa hoggaamineed iyo sida uu muhiimadda koowaad uga dhigay la dagaalanka Khawaarij, iyaga oo xusay in ay si buuxda u garab taaganyihiin ciidamada qaranka iyo kuwa difaaca shacabka ee u taagan dabar-goynta cadowga iyo ilaalinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda XFS “Soomaaliya waxa ay ka gudubtay sharuudihii laga rabay ee hannaanka Deyn-cafinta”

Next Post

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

Next Post
R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

R/W Xamsa oo kulan doceed kula yeeshay xarunta QM Agaasimaha Maamulka Bankiga Adduunka

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyeeyay dhibaatadii ka dhacday dalka Aljeeriya 

July 20, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh iyo murugo la wadaagaysaa Jamhuuriyadda...

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

Ciidanka Danab oo hawlgal qorshaysan ku dilay 9 Xubnood oo Khawaarij ah Shabeellaha Hoose

July 20, 2026
0

Ciidanka Sida Gaarka ah u Tababaran ee Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyey deegaanka Hantiwadaag...

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

Munaasabad lagu taageerayo Musharraxa  Galmudug ee Ururka JSP oo lagu qabtay Dhuusamareeb 

July 20, 2026
0

Munaasabad lagu taageerayay Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Xisbiga JSP, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowlad...

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

Muqdisho oo si weyn loogu daawaday ciyaartii kama dambaysta ahayd ee Koobka Adduunka

July 20, 2026
0

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa xalay la kulantay jawi ciyaareed oo gaar ah, iyadoo kumannaan shacab ah ay goobo kala...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In