Deeqdan oo isugu jirtay Raashin, Saliid, biyo iyo Afar neef oo Geel ah oo ka timid dad muxsiniin ah ayaa lagu wareejiyay Maamulka Degmada Wisil iyo Gudiga Difaaca Iyo dib u xoreynta Koonfurta Gobolka Mudug.
Deeqdaan oo uu wakiil uga ahaa dadka soo dhiibtay Suldaan Cabdullaahi Cali Sheekh Maxamed (Dhudhun) ayaa loogu talogalay Dhiirigalinta Ciidamada iyo Taakuladooda, si ay usii labo jibaaraan Dagaalka ay kula jira Argagixisada AS
Suldaan Cabdullaahi Cali Sheekh Maxamed Dhudhun oo Deeqdaan ku wareejiyay Guddiga Difaaca iyo dibu xoreynta Koonfurta Mudug ayaa sheegay inay deeqdaan ugu talogaleen dhiirogalinta Ciidamada naftooda u huray Difaaca Dalkeenna.
Guddoomiyaha Difaaca Koonfurta Gobolka Mudug Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan iyo Maamulka Wisil ayaa wadajir ugu mahadceliyay Suldaan Cabdullaahi Cali Sheekh iyo intii uu wakiilka ka ahaa, sida ay garab taaganyihiin ciidamada qalabka sida iyo xooggaga difaaca Koonfurta Gobolka Mudug.