Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis.
Wasiirka iyo safiirka ayaa ka wada hadlay taageerada joogtada ah ee boqortooyada Ingiriisku la garab taagantahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, kaalinta ay cadaaladda iyo garsoorku ku leeyihiin xasiloonida iyo in deegaannada khawaarijta laga xoreeyay laga hir-geliyo adeegyo cadaaladeed.
Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa garab istaagga hagar la’aaneed uga mahadceliyay dowladda Ingiriiska oo kamid ah dowladaha kaalinta weyn ka qaatay dib u dhiska dowladda Soomaaliya.