Tuesday, June 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Waxbarashada “Sanadka 2030-ka dadka waxbartay waxay gaari doonaan 8 Milyan”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
November 21, 2023
in Wararka
0
Wasiirka Waxbarashada “Sanadka 2030-ka dadka waxbartay waxay gaari doonaan 8 Milyan”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh C/qaadir ayaa hambalyo ku aaddan 21-ka November u diray macallimiinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax C/qaadir “Macalinka waa astaanta nolosha haddii macallin la waayo nolol majirto”.

Related posts

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

June 10, 2025
Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

June 10, 2025

Wasiir Faarax C/qaadir ayaa sheegay in sanadka 2024 uu qorshahoodu yahay in tababar bilaash ah la siiyo 10 kun oo macallin si loo baahiyo Waxbarshada dalka, Wasiir Faarax ayaa hore u xaqiijiyey in ✓ Dadka heerka Waxbarashadda gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.

✓ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)

✓ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

✓ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.

✓ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rami ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.

✓ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneed aya hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.

✓ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha. 3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.

✓ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu. Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada lee yahay.

✓ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.

✓Umaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.

✓ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.

✓ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.

✓ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.

✓ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.

✓ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.

✓ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo wacyigelinta guud ee bulshada.

✓ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.

✓ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan.

Previous Post

Wasaaradda Difaaca iyo Hay’adda SoDMA oo wadajir ugu gurmanaya dadka ay saameeyeen fatahaadaha

Next Post

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray deegaannada fatahaaddu saameysay

Next Post
Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray deegaannada fatahaaddu saameysay

Madaxweynaha Jubbaland oo kormeeray deegaannada fatahaaddu saameysay

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

June 10, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii...

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

June 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada...

Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

Taliyaha Guutada 10-aad oo Dhiirrigelin u Sameeyay Ciidamada Baladxaawo

June 10, 2025
0

Taliyaha Guutada 10-aad ee Qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Col. Cismaan Sheikh Cabdi Qorax, ayaa booqday Taliska Ururka...

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

SoDMA oo ka qeyb-gashay shirweynaha arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka

June 10, 2025
0

Kalfadhigii 8-aad ee shirweynaha afartii sanaba mar la qabto ee looga arrinsado arrimaha yareynta khataraha musiibooyinka, ee maalmahan ka socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In