Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Aruusha si uu u xoojiyo codsiga Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Aruusha si uu u xoojiyo codsiga Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweyeyey magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa ka qeyb-galaya Shirka Madaxda Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo laga sugayo in ay go’aan ka soo saaraan codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista dalladan.

Madaxweynaha oo xoogga saaraya sidii uu ugu qancin lahaa hoggaamiyeyaasha Dallada Bulshada Bariga Afrika in ay aqbalaan codsiga Jamhuriyadda Soomaaliya ayaa uga warbixinaya hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed, fursadaha dhaqaale iyo khayraadka ceegaaga dalkeenna oo haddii la maal-geliyo ay ka faaiideyaan dadkeenna iyo dalkeenuba.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo horey socdaal ugu maray qaar ka mid ah dalalka xubnaha ka ah Urur Gobolleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC) ayaa xasuusiyey wakhtiga dheer ee uu horyaallo codsiga shacabka iyo dowladda Soomaaliya oo la gudbiyey sannadkii 2016-kii, isaga oo u arka in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku sidkan, ayna muhiim tahay in dalkeennu uu doorkiisa ka qaato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta isu-socodka dalalka Gobolka oo saldhig u ah kobcinta dhaqalaaha, shaqo-abuurka iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha.

Previous Post

Madaxweynaha JFS oo Wasiirka Difaaca UK kala hadlay Shirka amniga Soomaaliya ee lagu qabanayo New York

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo shixnad gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In