Sunday, August 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saamaysay arrinta isbeddelka cimilada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saamaysay arrinta isbeddelka cimilada”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ayaa soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta El Nino ay ku dhinteen in kabadan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan, kuwaas oo ay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay, arrinkaas oo yareeyey khasaaraha la filayey.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

August 2, 2026

“Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saamaysay arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata, sidaas awgeedna ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta cimilada iyo in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan ayaa ugu baaqay dalalka warshadleeyda ah in ay gutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha.

Previous Post

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku soo barakacay deegaanka  Lafoole

Next Post

Duqa Muqdisho oo daah-furay shirka hannaanka wada shaqaynta waaxyaha iyo degmooyinka

Next Post
Duqa Muqdisho oo daah-furay shirka hannaanka wada shaqaynta waaxyaha iyo degmooyinka

Duqa Muqdisho oo daah-furay shirka hannaanka wada shaqaynta waaxyaha iyo degmooyinka

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo qaabilay Taliyaha TurkSom

August 2, 2026
0

Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ku qaabilay wafdi...

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug oo xarigga ka jaray xarunta Maxkamadda Xarardheere

August 2, 2026
0

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladd Goboleedka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Maxkamadda Degmada Xarardheere...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaare Xamse oo gaaray magaalada Laascaanood

August 2, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafti wasiirro ah ayaa gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta dowlad-goboleedka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In