Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Wafdi uu hoggaaminayo kana kooban Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa booqday halka ay khubarada dhiseysa dekadda Hobyo u asteeyeen in laga dhiso Dekadda.
Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa amar ku bixiyay in dhulka ay dekaddu u baahantahay aan la deegaameyn karin, wuxuuna faray ha’adaha amniga iney la shaqeeyaan guddiga loo xilsaaray dhismaha Dekadda Hobyo.
Dekadda Hobyo ayaa dhawaan la bilaabi doonaa dhismaheeda, waxay qayb ka tahay kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya ee loo qorsheeyay in dalka laga hergaliyo si dalka dhaqaale ahaan isugu filnaado.