Thursday, June 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad ka hadlayso xaaladda Gaza ka jeediyey madasha Doha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
December 11, 2023
in Wararka
0
Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad ka hadlayso xaaladda Gaza ka jeediyey madasha Doha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Doha oo maalinimadii shalay ka furmay dalkaas.

Wasiir Abshir ayaa khudbaddiisa dhinacyo badan diiradda ku saaray, isaga oo ka hadlay doorka diblomaasiyadda, waxa uu carabka ku dhuftay xaaladda ka taagan Gaza, waxa uu sheegay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wadahadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” sida uu ka yiri Wasiir Abshir madasha Doha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaag u muujisay Falastiin. Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddama Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

Previous Post

Somalia’s Decision to Lift the Arms Embargo: Implications for Regional Security and the War on Terror

Next Post

Minister Abshir Omar Jama Stresses Humanitarian Diplomacy at Doha Forum Amid Gaza Conflict

Next Post
Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad ka hadlayso xaaladda Gaza ka jeediyey madasha Doha

Minister Abshir Omar Jama Stresses Humanitarian Diplomacy at Doha Forum Amid Gaza Conflict

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”

June 12, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay Markabka “Oruc Reis” oo ku howlanaa baarista Shidaalka...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

June 12, 2025
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

June 12, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdisalam Cabdi Cali ayaa kulan rasmi ah la yeeshay...

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo marti galinaysa Shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

June 11, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ah guddoomiyaha Madasha Iskaashida Dalalka Geeska Afrika ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In