Thursday, September 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad ka hadlayso xaaladda Gaza ka jeediyey madasha Doha

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad ka hadlayso xaaladda Gaza ka jeediyey madasha Doha
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse oo ku sugan dalka Qatar ayaa khudbad ka jeediyey Madasha Doha oo maalinimadii shalay ka furmay dalkaas.

Wasiir Abshir ayaa khudbaddiisa dhinacyo badan diiradda ku saaray, isaga oo ka hadlay doorka diblomaasiyadda, waxa uu carabka ku dhuftay xaaladda ka taagan Gaza, waxa uu sheegay in lama huraan tahay in mudnaanta la siiyo daryeelka aadanaha ee arrimaha caalamiga ah.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026

Mudane Jaamac waxa uu carabka ku adkeeyay in dublamaasiyadda bini’aadantinimo ay fure u tahay kobcinta wadahadalka iyo xaqiijinta bixinta gargaar wax ku ool ah iyada oo ay jiraan xasarado kala duwan oo caalami ah.

“Waxay noqonaysaa lama huraan ummaduhu in ay wanaaga dadka ka hor mariyaan wax kasta, hadday tahay dhibanayaasha iskahorimaadyada magaalooyinka, kuwa ay saameeyeen masiibooyinka dabiiciga ah, ama qaxootiga aan la tirin karin iyo dadka gudaha ku nool ee adduunka oo dhan,” sida uu ka yiri Wasiir Abshir madasha Doha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse ayaa sheegay in Soomaaliya ay garab istaag u muujisay Falastiin. Horaantii bishii hore, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza, shirka waddama Islaamka oo ka dhacay Sacuudiga.

Previous Post

Somalia’s Decision to Lift the Arms Embargo: Implications for Regional Security and the War on Terror

Next Post

Minister Abshir Omar Jama Stresses Humanitarian Diplomacy at Doha Forum Amid Gaza Conflict

Next Post
Wasiir Abshir Huruuse oo khudbad ka hadlayso xaaladda Gaza ka jeediyey madasha Doha

Minister Abshir Omar Jama Stresses Humanitarian Diplomacy at Doha Forum Amid Gaza Conflict

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo bogaadiyey horumarka iyo isbeddelka Dhaqaale ee la sameeyey.

September 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Warbixinta Dhaqaalaha...

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

Agaasimaha EAC oo Ganacsatada Soomaaliyeed ugu Baaqay Ka qaybgalka Som Souk Expo 2026

September 16, 2026
0

Agaasimaha Arrimaha Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Maxamed Faatir, ayaa ku dhiirrigeliyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In