Saturday, August 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyey hindise sharciyeedka Qaxootiga

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
December 11, 2023
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo la horgeeyey hindise sharciyeedka Qaxootiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga Afaraad kulankiis 2-aad oo ajandihiisu ahaa Akhrinta 1aad ee Sharciga Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka iyo Ka tashiga saamaynta Arrimaha fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimadda hindise sharciyeedka Qaxootiga iyo Magan Galyo Doonka.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025

Intaas kadib Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Aqalka Sare Sanatar Deeqa Xasan Xuseen, ayaa Golaha lawadaagtay warbixin ku saabsan safar shaqo oo ay ku tageen magaalada Baydhabo iyo kulamo ay la qaateen madaxda Dowlad Goboleedka Koofurgalbeed,iyadoo Sanatarraduna ay ka aragti dhiibteen xal u helista arrimaha fatahada, daryeelka dadka ay saameeyeen daadadku iyo la xisaabtanka Wasaaradaha iyo Hay’adaha ku shaqada leh arrimaha gargaarka.

Guddoomiye Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka maanta shir guddoomiyay, ayaa geba-gebada kulanka cod geliyay in Sanatarrada mushaarkooda bishan laga jaro lacag dhan shan boqol oo dolar kadib soo jeedin ka timid xubno katirsan Sanatarrada Aqalka Sare, sidaas ayayna ku ogolaadeen xubnihii kulanka joogay.










Previous Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kulan gaar ah la yeeshay wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar

Next Post

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Doha “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Doha “SAWIRRO”

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay dhiggiisa Magaalada Doha "SAWIRRO"

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlagallo amni xaqiijin ah ka sameeyay gobolka Shabeellaha Hoose

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandoosta Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga,...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

Warbixinta Toddobaadlaha Ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

August 16, 2025
0

RADIO MUQDISHO: 1-Madaxweyne Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iska diiwaan geliyay mid ka mid ah goobaha codbixiyeyaasha doorashada ee Degmada...

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarinta sanadka guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA

August 15, 2025
0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkan 2025 abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka...

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka Garsoorayaasha heer Federaal oo lagu qabtay Muqdisho

August 14, 2025
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa guddoomiyey kulanka sanadlaha ee Garsoorayaasha Heer Federaal iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In