Tuesday, June 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 14, 2023
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed guusha cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dhammeystirka geeddiga Deyn Cafinta Soomaaliya ay tahay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed oo uu saarnaa culeyska lacag dhan $5.2Billion.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasabad loogu dabaal-dagayey guushan weyn, ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka baxday liiska waddamada qaamaysan. taas oo horseedi doonta in dalkeenna iyo dadkeenna la aamino, isla markaana aan helno soo jiidashada maalgashadayaal caalami ah, Horumar dhaqaale, isku filnaansho amni, adeeg bulsho oo horumarsan iyo rajo u abuuridda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xusay in caawa ay ummadda Soomaaliyeed u tahay habeen guul ku suntan, maadaama laga cafiyey deyntii ka hortaagnayd dalka horumarka, taas oo ku timid shaqo adag oo ay soo qabteen dowladihii kala danbeeyey iyo dowladda maanta dalka hoggaamisa.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey cid walba kaalintii ay ka soo qaadatay guusha Soomaaliya looga cafiyey deynta oo soo martay marxalado kala duwan, tan iyo laga soo bilaabo sanadkii 2013 oo ay Soomaaliya bilowday geeddigan ay ku dalbanayso in deynta looga cafiyo.

Xukuumadda Dan-Qaran ayuu Ra’iisul Wasaaruhu tilmaamay in ay xaqiijisay guulo-waaweyn oo ay kamid yihiin dagaalka Khawaarijta ee mid fikir, dhaqaale iyo ciidanba, Ku biiridda Bulshada Bariga Afrika (EAC), qaadista Cunaqabateynta hubka, iyadoo ay miiska saaran yihiin, xoreynta qeybaha dhimman ee dalkeenna, la wareegidda iyo hanashada amniga, bixidda ATMIS iyo qabyo-tirka Dastuurka KMG oo kamid ahaa wax yaabihii ay xukuumaddu horgeysay Baarlamaanka.

Munaasabadda dabaal-dagga guusha cafinta deyntii lagu lahaa Soomaaliya oo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, maamulka gobolka Banaadir, madaxda hey’adaha amniga, culima’udiinka iyo qeybaha bulshada, ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey hey’adihii sida weyn uga soo shaqeeyey guusha caawa loo dabaal-dagay.

 

Previous Post

Soomaaliya oo u dabaaldegeysa guul taariikhi ah kaddib cafinta deyntii lagu lahaa dalkeenna

Next Post

Tababar ku saabsan Mabaadi’ida saxaafadda oo loo soo xiray suxufiyiin ka kala socday qeybaha Warbaahinta

Next Post
Tababar ku saabsan Mabaadi’ida saxaafadda oo loo soo xiray suxufiyiin ka kala socday qeybaha Warbaahinta

Tababar ku saabsan Mabaadi'ida saxaafadda oo loo soo xiray suxufiyiin ka kala socday qeybaha Warbaahinta

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

Madaxweyne Xasan Sheekh “Albaabka Wadatashiga iyo wadahadalka waa furanyahay”

June 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa furay Madasha Wadatashiga Qaran oo looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka,...

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

June 16, 2025
0

Wasiirka Ganacsiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Boqortooyada Sucuudiga u fadhiya...

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

Somalia Concludes Participation in the 113th International Labour Conference and Condemns Malicious Campaign

June 16, 2025
0

The Somali delegation led by the Minister of Labour and Social Affairs Hon. Yusuf Mohamed Adan has concluded its participation...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda uu dib u dhis ka socdo

June 16, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta dhexe ee Wasaaradda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In