Wednesday, June 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir lagu soo bandhigayay Nidaamka isku-dhafan ee Kormeerka Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 21, 2023
in Wararka
0
Shir lagu soo bandhigayay Nidaamka isku-dhafan ee Kormeerka Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay shir lagu soo bandhigayay Nidaamka Isku-dhafan ee Kormeerka iyo Qiimaynta Qaranka.

Kulanka waxaa ka soo qeybgalay Waaxyaha Qorsheynta, Kormeerka iyo Qiimaynta hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka khudbad furitaan ah ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamed Shire iyo Agaasimaayasha Guud ee Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabelle, Mudane Cabdullahi Cumar Aadan iyo Xasan Cabdi Soomane iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Muuse Maxamed Cusmaan.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

June 10, 2025
Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

June 10, 2025

Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Maxamuud Siciid Nuur ayaa faahfaahiyay muhiihamdda uu nidaamkan isku-dhafan uu leeyahay, waxa uuna sheegay in uu  awood badan siinayo hay’adaha Dawladda, fududeynta helidda xog dhamaystiran.

Sidoo kale, nidaamkan wuxuu sahlayaa In mashaariicda Dawladdu fuliso  iyo kuwa Hay’adahu fuliyaan si dhow loola socdo, In mashaariicda Soomaaliya lagu salayeeyo baahida shacabka Soomaaliyeed iyo u xaq sooridda Gobolada iyo Degmooyinka Soomaaliya, si simanna looga fuliyo mashaariicda oo dhan.

Ugu dabayntii, in go’aamada dawladdu qaadanayso lagu saleeyo xog cad oo la hubo.  (Evidence decision making), waxaana uu qeyb wayn ka qaadan doonaa uruurinta xogta, falanqeynteeda si loo soo saaro xog ay leedahay ummadda Soomaaliyeed.

Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta ayaa balan qaaday in nidaamkan u uku dhaqangali doono ugu badnaan muddo lix bilood ah.












Previous Post

10 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay Jubbooyinka

Next Post

AUN Meydka Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye

AUN Meydka Marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye oo laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan Dhiirrigelin ah la qaatay Ardayda Wax Ka Barata Shiinaha

June 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta kulan dhiirrigelin...

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

Soomaaliya iyo Kenya oo Isfaham Buuxa Ka Muujiyay Ixtiraamka Madax-bannaanida Soomaaliya

June 10, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa kulan miro-dhal ah...

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo beenisay warar been abuur ah oo lagu faafiyay baraha bulshada

June 10, 2025
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad u beeninaysaa wararka been abuurka ah ee maalmihii...

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada Difaaca Deegaanka

June 10, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa deeq daawooyin ah ku wareejiyay Ciidamada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In