Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtey Mashruuca adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya.
Mashruucaan oo ay si wadajir ah u Daahfureen Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jamac iyo Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta Iyo Daaqa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirrada Wasaaradaha Arimaha gudaha, Caafimaadka iyo Awqaafta iyo arimaha Diinta, wasiiradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa dowlad gobaleedyada dalka iyo marti sharaf kale.
Mashruucaan oo uu maalgalinayo Banka horumarinta Afrika ayaa xooga saari doona hormarinta kaabayaashii uu dalka lahaa gaar ahaan xanaanada xoolaha sida goobihii Caafimaadka xoolaha, seerooyinkii, biyo xireenadii, warihii xoolaha ka cabi jireen iyo si guud ilaalinta badqabka xoolaha nool.
Barnaamijkaan adkeysiga sugnaanta cuntada iyo nafaqada geeska Afrika qeybtiisa Soomaaliya ayaa si guud u gaari doona gobalada dalka kaas oo ay ka faa’iideysan doonaan dhammaan xoola dhaqatada Soomaaliyeed