Thursday, September 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka hadlay in la xoojiyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka hadlay in la xoojiyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiiirka Soomaaliya ee dalka Kenya  Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa soo xiray kulan diimeedka 6aad ee Ansaaru Sunna, isagoo ku booriyay Culimada in la xoojiyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah.

Kulankan oo ay ka qeybgaleen Culimaa’udiinn si weyn looga yaqaan geyiga Soomaalida oo ka kala yimid dunida daafaheeda ayaa muddada afarta cisho ah ee uu socday looga hadlay in qofkasta ay mas’uuliyad ka saarantahay faafinta dacwada Diinta Islaamka, iyado ay ka soo qeybgaleen ku dhawaad 3 kun qof.

Related posts

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026

Qaar ka mid ah Culimada ayaa bulshada iyo ka qeybgalayaasha kula dardaarmay inay xoojiyaan wacyigelinta bulshada ee dhanka faafinta Diinta, isla markaana la joogteeyn doono qabashada kulamada nuucaani oo kale ah.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabril Ibraahim Cabdulle oo soo xiray kulanka ayaa ka mahadceliyey Culimaa’udiinkii waqtigooda u huray inay bulshadooda gaarsiiyaan dacwadda Diinta Islaamka, isla markaana ka dalbaday Culimada inay u duceeyaan dalkeena iyo dadkeena Soomaaliyeed meelkasta oo ay dunida ka joogaan.

“Culimada waxaan uga mahadcelinayaa waqtigooda ee ay u hureen inay bulshadooda gaarsiiyaan dacwadda Diinta Islaamka, waxaan kaloo rabnaa in la xoojiyo fikirka lagula dagaalamayo kuwa ka been sheegaya Diinteena Islaamka, waxaana Safaaraddu ay diyaar idinla tahay inay la shaqeyso Culimaa’udiinnka Soomaaliyeed”.ayuu yiri Danjire Jabriil.

Kulan diimeedka ayaa gaba gabadiisa loogu duceeyay dadka iyo dalka, waxaana inta uu socday kulan diimeedka ay Diiinta Islaamka qaateen 21 qof.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Muqdisho ku soo bandhigtay Cilmi-baaris ku saabsan cudurka HIV AIDS                                                                             

Next Post

Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ciidanka

Next Post
Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ciidanka

Madaxweynaha JFS oo faray in dib u eegis lagu sameeyo mushaaraadka ciidanka

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoyska, ehellada, bahda aqoonta iyo dhammaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In