Waxaa magaalada Gaalkacyo maantay tababar looga furay 30 weriye oo ka hawlgala warbaahinta kala duwan ee Gaalkacyo kaa soo soconaya mudo labo cisho ah.
Tababarkan oo lagu baranayo muddada uu socdo xoojinta codka Warbaahinta iyo u doodista xuquuqda haweenka.iyadoo loo marayo Warbaahinta ayaa lagu wadaa in la iskuย weydaarssado aragtiyo ku aadan sida loo ilaalin karo xuquuqda haweenka, looguna wacyi galin karo bulshada inta wali aaminsan in gabdhuhu aysan qaban karin shaqooyinka qaarkood
Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaliyeeda ee NUSOJย ooย gacan ka helayaย Hay,adda UNFPA ayaa soo aqaasintay tababarka, waxaana bixinaya casharada la xariira xoojinta ilaalinta xuquuqda haweenka aqoonyahanoย ku xeeldheer arimaha xuquuqulย Insaanka.