Midowga Yurub oo ka hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ayaa garab istaagay Dowladda Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Yurub ayaa lagu yiri “Waxaa lagu war galinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyadoo la raacayo Dastuurka u yaala Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay. Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”