Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Hindise Sharciyeedyo la horgeeyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfdhiga 4-aad Kulankiisa 8-aad ee Golaha Shacabka ayaa maanta waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliyeed, akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacayaasha, qeybinta warbixinta akhrinta 2-aad ee xisaab-xirka miisaaniyad sannadeedka 2022-ka iyo qeybinta Hindise Sharciyeedka Dib u Eegista Sharciga La-dagaalanka Burcad Badeedka iyo Ka hortaga Afduubka ee sharciga LR 36, 30 Abriil 1975-ta.

Related posts

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

February 2, 2026
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ugu horreyn ka dooday Sharciga Shaqaalaha Dalka, ayaa waxay sheegeen in waqtiyada shaqada aan cayimneen, iyagoo soo hadal qaaday in xuquuq loo helo kuwa ku naafoobay iyagoo u shaqeynaayo Qaranka lana ilaaliyo xuquuqdooda. Xildhinaannadu ayaa waxay xuseen in loo sinnaado shaqooyinka iyo waqtiyada la shaqeeyo, waxaana ay soo jeediyeen in la tayeeyo aqoonta iyo dhismaha qibrada shaqalaaha, loona sameeyo tababaro ku sabaansan shaqadooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa faray in Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqaalaha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Bulshada si ay u soo turxaan bixiyaan ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi oo marti ku ahaa fadhiga Golaha ayaa xildhibaanada ka hor akhriyey Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Taakuleynta Barakacyaasha, isagoo ka jawaabay su’aalo ay weeydiiyeen Xildhibaannada, kaas oo inta badan looga dooday xuquuqda barakacyaasha.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo gunnaanadka kulanka soo xiray fadhiga maanta ee Golaha ayaa amray in Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Barakacyaasha lagu wareejiyo Guddiga Arrimaha Gudaha ee Golaha Shacabka si ay ugu soo shaqeeyaan sharcigan.

 











Previous Post

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo golaha shacabka horgeeyay Hindise Sharciyeed muhiim ah

Next Post

Shir looga hadlayay xoojinta iyo dardargelinta Amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe

Next Post
Shir looga hadlayay xoojinta iyo dardargelinta Amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe

Shir looga hadlayay xoojinta iyo dardargelinta Amniga oo lagu qabtay degmada Baraawe

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

Wasiirka Tamarta oo kormeer shaqo ku tagay xarumo koronto bilaash ah ay wasaaraddu ka hirgalisay Dhuusamareeb

February 2, 2026
0

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa kormeer shaqo ku tagay xarumo caafimaad iyo waxbarasho oo...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In