Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane. Axmed Siciid Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray magaalada Jedda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayaa ugu horeyn booqasho shaqo ku tagay xarunta Qunsuliyadda Guud ee Soomaaliya ay ku leedahay dalka Sacuudiga,, iyagoo halkaas kulamo kula qaatay Qunsulka Guud Mudane Axmed Maxamuud Diriye “Macruuf” iyo diblomaasiyiinta Qunsuliyadda.
Agaasimaha Guud, ayaa inta uu booqashada shaqo ku jiray, wuxuu sidoo kale Warbixino ka dhageysatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaaladaa Jidda, kuwaas oo ka cabanayay duruufo gaar ah oo la xariirta Baasaboorka iyo Deganaashaha dalka Sacuudiga, wuxuuna Agaasimuhu u balanqaaday muwaadiniinta uu la kulmay in cabashooyin kooda si degdeg ah wax looga qaban doono, iyada oo la waafajinayo habraacyada u degsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.