Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Faarax Cabdulqaadir oo Bannaan-baxa looga soo horjeedo damaca gurracan ee Itoobiya, ayaa uga qayb galaya Taalada daljirka Dahsoon ayaa sheegay in dadka Soomaalieed ay diyaar u yihiin in ay difaacan dalkooda, aysana ogolaaneyn oo aysan aqbalayn in taako ka mid ah dalkooda la iib sado.
“Soomaaliya Iib maah,baddeenna Iib maah, dadkeenu Iib maah,dhulkeenuna Iib maah,dadka Soomaaliyeed oo dhan waa isku mid meel kasta oo ay joogaan ama dalka guduhiisa ha joogaan ama dibaddisa, ma jiro qof Soomaali ah oo ogol in dhulkiis ay ajinabi qabsadaan ama ay qaataan,waa u soo halgameen,waa soo xoreysteen,waa dalkoodi,maantana yeeli maayaan in ama la Iibsado ama la xaraasho ,waa kuwaa carruurtii ama masutaqbalkii dalka Soomaaliya iska lahaa”. Ayuu yiri Wasiirka waxbarashada Faarax Cabdulqaadir