Friday, February 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ku bogaadiyey taageerada Dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ku bogaadiyey taageerada Dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa ku bogaadiyey dalalka iyo guddoonka Jaamacadda Carabta mowqifka ay ku taageereen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa iska xogwareystay amniga iyo istaraatiijiyadda badda Cas marinka muhiim ka ah ee baabul-mandab iyo xaaladda geeska Afrika, iyagoo dul istaagey cawaaqib xumada ka dhalanaysa tallaabooyinka qar iska xoornimada ah ee Maamulka Addis Ababa ay ku fara geliyeen midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related posts

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 26, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay hoggaanka Jaamacadda Carabta mowqifka midaysan ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ku diideen damaca Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ee ka dhanka ah badeena iyo dhulkeena.

Xoghayaha Guud eeJaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd ayaa muujiyey dadaalka iyo garab istaaga Jaamacadda Carabta ee lagu xoojinayo midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya,  isagoo sheegay inaan la aqbali karin xadgudubka ka dhanka ah Jamhuuriyadda Soomaaliya oo saldhig u ah xasiloonida Gobalka.

Previous Post

Taliska Booliska oo war ka soo saaray askari lagu dilay Degmada Wadajir

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS : Warfaafinta iyo warbaahinta Soomaaliya muhiimad ayay u leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS : Warfaafinta iyo warbaahinta Soomaaliya muhiimad ayay u leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka

Wasiirka Warfaafinta XFS : Warfaafinta iyo warbaahinta Soomaaliya muhiimad ayay u leeyihiin taariikhda iyo dhaqanka dalka

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 26, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan mira-dhal ah la qaatay hoggaanka Ururrada siyaasadda

February 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay hoggaanka ururrada siyaasadda ee...

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

Madaxweynaha Galmudug oo guddoomiyey shir ka golaha Wasiirada

February 26, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirrada, iyadoo uu goobjoog ahaa Madaxweyne ku...

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee Dastuurka

Xildhibaannada labada Aqal ee BJFS oo ka dooday Cutubyada 12-aad iyo 13-aad ee Dastuurka

February 26, 2026
0

Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 23-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In