Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan Saraakil ka tirsan Ciidanka Booliiska.
Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa kawada hadlay Amniga iyo badqabka Gargaarka iyo sidiii loo gaarsiin la ahaa dadka nugul ee danyarta ah ee kaalmada u baahan, sii xoojinta wada shaqeynta Booliiska iyo SoDMA, hubinta in gargaarka si nabad ah ku gaaro dadkii loogu talagalay.