Saturday, August 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka dalalka Barigga Afrika ee ciidamada Heeganka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka dalalka Barigga Afrika ee ciidamada Heeganka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay Dalka kenya.

Shirkam oo 22kii bishan ka furmay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya uuna shir Guddoominayay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiirada Gaashaandhigga dalalka Bariga Afrika, iyadoo dhanka Soomaaliya ay uga qeybgaleen wafdi uu hogaaminayay Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka iyo xubno sar sare oo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ka tirsan, kaasi oo looga hadlayay qorshaha iyo Istaraatiijiyadda shanta sano ee soo socoto.

Related posts

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

August 8, 2026
Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026

Shirka ayaa qeybaha hore waxaa diirada lagu saaray sidii tababaro joogto ah loo siin lahaa ciidamada heeganka ee qeybta ka ah dalalka bariga Afrika., isla markaana looga wada shaqeyn lahaa amniga iyo xasiloonida Gobalka.

Lataliyaha Sare xaga Amniga ee Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdi Diirshe oo saxaafadda kula hadlay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa xusay inay shirka ka cadeeyeen mowqifka dowlada Federaalka Soomaaliya ee laga soo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in wafdiga Soomaaliya ka socday ay gebi ahaanba ka soo baxeen shirka oo ay qaadaceen qodobada laga soo saaray.

“Soomaaliya waxa ay qaadacday qodobadii ka soo baxay shirka 32aad ee dalalka bariga Afrika ee ciidamada heeganka kaasi oo lagu soo gabagabeeyay Dalka Kenya”. Ayuu yiri Lataliyaha Sare Xagga Amniga ee Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdi Diirshe .

Mudane Cabdi Diiirshe ayaa tilmaamay in Madaxda shirka ka qeybgashay ay u gudbiyeen mowqifka dowlada Soomaaliya, ayna ka filayaan im markale dib loo soo saaro bayaan cad , kaasi oo lagu taageerayo go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka istaagtay xadgudubka Ethiopia.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay mashaariic la xiriira Waxbarashada iyo Caafimaadka

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma kaga qeyb-galaya Shirka Talyaaniga iyo Africa.

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma kaga qeyb-galaya Shirka Talyaaniga iyo Africa.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Roma kaga qeyb-galaya Shirka Talyaaniga iyo Africa.

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

Wasiirka Beeraha XFS oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda RI

August 8, 2026
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta qaabilay wafdi ka socday hey'adda Refugees International (RI), oo...

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shahaadada musharraxnimada guddoonsiiyay qaar ka mid ah musharraxiinta

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kulan ku yeeshay xafiiskiisa ku yaalla Xarunta Guddoonka...

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

Dalka Rwanda oo lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Magaalada Kigali ee dalka Rwanda ayaa lagu soo gabagabeeyay Tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay si muuqata...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo tababar dalka Turkiga ugu soo xidhay Guutada 21-aad ee Kumaandooska Gorgor

August 8, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Khaalid) iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Jamhuuriyadda Turkiga,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In