Thursday, July 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah

Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah

Ali Ahmed by Ali Ahmed
February 9, 2024
in Wararka
0
Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirrada Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo dhigiisa Turkiga Yasar Guler  ayaa maalinimadii shalay Magaalada Ancara ku  kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah si kor loogu qaado xiriirka labada dal iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa kahor kulan ay wadaqaateen waxaa la isku weydaarsaday xoojinta xiriirka labada dal iyo aragtiyo ku saabsan arrimaha difaaca iyo amniga gobolka.

Related posts

Axmed Diiriye ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

Axmed Diiriye ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

July 24, 2025
Ku dhawaad 10 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Ku dhawaad 10 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

July 24, 2025

“Soomaaliya waa saaxiibka muhiimka ah ee Turkiga ee Afrika, waxaan kulan wax ku ool ah la yeelanay dhiggeyga Soomaaliya, wada-hadalladu waxay ku dhaceen jawi aad u diirran oo sii xoojinaya xiriirkeenna. waxaan ku celinnayaa muhiimadda aan siineyno madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. ” ayuu yiri Guuler kulanka ka dib.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay ku guuleysatay in ay sameysato ciidamo Qaran oo ay la socdaan ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor, kuwaas oo ay isugu tageen dhalinyaro ay ka buuxdo wadaniyad, ayuu yiri,isagoo xusay in dhallinyaradaasi ay noqdeen tusaale muhiim u ah qaaradda Afrika.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo isna halkaasi ka hadlay  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu sii xoogeystay tan iyo markii uu Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan booqasho ku yimid Dalka Soomaaliya sanadkii 2011-kii.

“Marka laga soo tago xiriirka ka dhaxeeya labada wasaaradood, heshiiska aan maanta saxiixnay waxaa ka mid ah in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo iskaashiga ciidamada iyo dhaqaalaha, waxaan aaminsanahay in heshiiskan uu sidoo kale wax weyn ku soo kordhin doono Soomaaliya” ayuu intaa raaciyay wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Previous Post

Wasaradda Awqaafta XFS oo shaacisey Jaangoynta sicirka xajka ee sanadkaan

Next Post

Cadale: Xarummo loogu talagalay adeegyada bulshada oo laga hirgaliyay Ceel Xaashi

Next Post
Cadale: Xarummo loogu talagalay adeegyada bulshada oo laga hirgaliyay Ceel Xaashi

Cadale: Xarummo loogu talagalay adeegyada bulshada oo laga hirgaliyay Ceel Xaashi

Axmed Diiriye ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

Axmed Diiriye ka tirsanaa Khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug

July 24, 2025
0

Axmed Diiriye Raadgoob oo ka tirsanaa Khawaarijta arxan laaweyaasha ah ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka...

Ku dhawaad 10 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

Ku dhawaad 10 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Hirshabeelle iyo Galmudug

July 24, 2025
0

Howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgorof ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu beegsaday dhagar-qabayaal...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed

Wasiirka Caddaaladda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed

July 24, 2025
0

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Majmaca Culimada...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮 𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐔𝐫𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐤𝐡𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐫𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

July 23, 2025
0

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaali Mohamed Hassan Mohamed ayaa xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In