Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe Xamar ee Golaha Shacabka BJFS. ayaa Maanta kulan kula yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Gudiyada ee Villa Hargeysa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Kulanka waxaa shir Guddoominayay Guddoomiyaha Guddiga Gaarka ah Xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed Ameerika.
Taliiyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. ayaa warbixin guud kasiiyay Guddiga xaaladda Maxaabiista Xabsiga Dhexe ee Xamar, asagoo aad ugu dheeraaday marxaladda ay ku sugan yihiin Maxaabista kuwa xukuman iyo kuwa xukun sugayaasha ah Tirada Maxaabiista kujira Xabsiga iyo guud ahaan xaaladda Xabsiga Dhexe ee Xamar
Waxuu sidoo kale sheegay inay jiraan caqabado u baahan in laga taageero sida daryeelka Caafimàadka maxaabista iyo wax-baridooda Sidoo kale laga saacido inay helaan Gaadiid iyo meesha lagu xiro Maxaabiista oo aad u yar ayna ubaahan yihiin balaarin.
Intaasi kadib xubnaha guddiga ayaa su’aalo la xariira xaaladda maxaabista iyo Xabsiga dhexe ee Xamar weydiyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Mudane Mahad Cabdiraxmaan Aadan.
Waxa uuna Taliyaha uu mid mid ugu jawaabay Guud ahaan su.aalihii la weydiiyay.
Ugu dambeyn Xildhibaan Guddoomiye Bashiir Cabdi Maxamed.ayaa uga mahadceliyay Taliyaha iyo Mas’uuliyiintii la socday sida wanaagsan ay u soo ajiibeyn kulanka, isagoo sheegay inay xoojin doonaan wadashaqeynta iyo dardar gelinta howlaha baaxadda leh ee horyaala Guddiga Gaarka ah ee Arrimaha Xabsiga Dhexe ee Xamar ay si wanaagsan uga wada shaqeyn doonaan.