Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed Admiral Cabdi Warsame ayaa Dalka Hindiya kaga qeybgalay Shirweeynaha Milano 2024.
shirkan oo ay ka qeybgaleen in ka badan 50 Doowladood ayaa la isku dhaafsadaa tababbarada iyo khibradaha Ciidanka Badda.
Dhinaca kale Admiral Cabdi Warsame ayaa la kulmay dhigiisa dalka Hindiya oo ay ka wada hadleen iskaashiga Ciidamadda Badda Soomaaliya iyo Hindiya wada shaqeeyntooda.