Tuesday, June 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ajaanib u soo dalxiis tegtay dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 24, 2024
in Wararka
0
Ajaanib u soo dalxiis tegtay dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo uu soo hagaagayo amniga guud ee dalka, waxaa dalkeenna soo gaaray dalxiisayaal Ajaanib ah, madax ka socota dalalku aynu saaxiibada nahay, howlwadeeno hay’adaha caalamiga ah, qurbooj iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo wax badan ka maqnaa dalka.

Dalxiisayaal u dhashay dalalka Austria iyo Jarmalka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, iyagoo Tiyaatarka Qaranka ( National Theater) ku daawaday heeso waddani ah, ciyaaro hiddaha iyo dhaqanka ah iyo music toos ah ( Live).

Related posts

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025

Dr. Heemo oo u dhashay dalka Austria ayaa ka warbixiyay isbeddelka uu arkay 2013-kii oo uu mar yimid iyo maanta oo la joogo 2024, wuxuuna sheegay inuu jiro isbeddel weyn oo dhanka ah amniga iyo horumar la taaban karo.

” Markii ugu horeysay oo aan Soomaaliya nimid waxay ahayd 2013, markaas oo aan Xamar nimid, Xamar sidan ma ahayn waxyaabo badan ayay ugu duwaneyd xilligaas, waxaan aragnay waxyaabo badan oo bur bur ah, iskuulada oo bur bursanaa aragnay, laakiin hadda waxyaabahaas oo dhan maan arag,” ayuu yiri Mr. Heemo.

Dalxiisahan u dhashay dalka Austria Dr. Heemo, ayaa sidoo kale, ka hadlay waxyaabaha aad u soo jiidday muddadii ay dalxiiska ku jireen oo ay meelo badan oo dalka ka mid ah ay soo mareen.

” Isbeddelka weyn ee aan aragnay waxaa ka mid ah labo shey, midka ugu horeeyo waa dadka oo hadda u heelan una fur furan in ay dadka Ajaaniibta ah la sheekeystaan soona dhoweeyaan, midda kale, oo ugu muhiimsan waxaa waaye xagga amniga, xagga amniga waxaa dareemeynaa inuu aad u soo hagaagay gaar ahaan markii aan u imaaneynay iyo hadda waxaan amni iyo bad-qab weyn dareemeynaa hadda,”’.

Dalxiisayaashan oo u kala dhashay dalalka Jarmalka iyo Austria, ayaa soo maray deegaannada Jubbaland iyo Shabeellaha dhexe, Eyl, Boosaaso iyo magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku soo arkeen isbeddel weyn oo dhanka kasta ah.

 

Previous Post

R/W Xamse oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay qorshaha Qaran ee ka hortagga dhibaatooyinka

Next Post

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka "SAWIRRO"

Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Ciidanka Xoogga oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Khawaarijta

June 23, 2025
0

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Duleedka Baydhabo jab xooggan ugu geystay Maleeshiyaadka Khawaarijta   Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii...

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda oo gaaray dalka Algeria

June 23, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda XFS Yuusuf Maxamed Aadan oo loogu soo dhaweeyay garoonka diyaarada magaalada Algeris ee Caasimada...

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

Wararka 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: “𝐒𝐮𝐮𝐫𝐭𝐚𝐠𝐚𝐥 𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐧 𝐝𝐢𝐛 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐥𝐚𝐚𝐛𝐭𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐝𝐚𝐝𝐛𝐚𝐧”

June 23, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo caawa xarunta Dowladda Hoose ee Xamar, kaga qeyb-galay munaasabad casho...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

June 22, 2025
0

RADIO MUQDHISHO:  Guutada 9aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgallo lagu burburiyay goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaarijta ka sameeyay deegaanno...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In