Saturday, December 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada Labada Aqal ee BJFS oo bilaabay ka doodista cutubka 2aad ee Dastuurka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 17aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen Ku-xigeennada labada gole ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, ayaa waxaa uu ajandaha kulanka maanta ahaa ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2aad, xuquuqda aasaasiga ah iyo waajibaadka muwaadinka Qodobada 10-aad ilaa 20-aad.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025

Guddoonka Guddiyada Dastuurka ayaa ugu horreyn mudanayaasha Baarlamaanka labada gole la wadaagay warbixin soo koobaysa sagaalkii qodob ee cutubka koowaad ee Dastuurka oo doodistooda la soo xiray isla-markaana soo bandhigay macluumaad qoraal ah oo ay ku dhantahay aragtidii Sanatarrada iyo Xildhibaanadii fikirkoda dhiibtay.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka oo ay ugu horreeyaan arrimaha Diinta, xuquuqda aasaasiga ee muwaadinka Soomaaliyeed sida xorriyadda hadalka kan muwaadinka iyo sinaanta, qofka inuu ku biiri karo xisbi siyaadeed ee dalka ka jira, ururo shaqaale iyo xaqa muwaadinka.

Dhanka kale Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa go’aan Baarlamaan oo wadajir ah ku meel mariyay in Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan lagu taageero musharaxnimadeeda tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (African Union Commission) loogana jaro mushaarkooda Xildhibaan kasta ($500) shan boqol oo dolar.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo soo gunnaanaday fadhiga maanta ayaa sheegay in dooda ay aad u ficneyd waxaana uu u mahadceliyay Xildhibaannadii waqtiga badan fadhiyay ee dulqaatay.















Previous Post

Ajaanib u soo dalxiis tegtay dalkeenna

Next Post

Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo khudbad ka jeediyay shirka wasiirada warfaafinta Dalalka islaamka,kana hadlay xadgudubka Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Dooxa ee Siyaasadda iyo Amniga

December 5, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo...

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga oo xoogga saareysa kor u qaadiska dhaqaalaha Buluuga ah

December 5, 2025
0

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah ee XFS Cali Ifiye Cali ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shir...

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

Wasiirka Awqafta XF S oo ka warbixiyay doorka culimada ee dowlad dhiska iyo nabadeynta dadka

December 5, 2025
0

Wasiirka Awqafta iyo Arrimaha Islaamka XF S Mudane Sheekh Muqtaar Rooboow oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa sheegay...

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

Wasiirka Beeraha XFS“Dhowaan waxaan soo bandhigi doonaa cagaf-cagafyo qiimo ahaan aad u jaban iyo qalab kale”

December 5, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye oo qabtay dood cilmiyeed ay ka qeybgaleen qaar kamid ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In