Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee dowladda Ingiriiska

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada ku qaabilay Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga ee dowladda Ingiriiska
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga ee Dowladda Ingiriiska Mudane James Stephen Heappey oo booqasho ku yimid dalkeenna.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa la wadaagay Wasiirka guulaha wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta amniga, tayeynta Ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada oo hadda maraya heer wanaagsan, taas oo suuragalisay in dalkeennu uu ka gudbo marxaladdo adag oo ay ka mid tahay qaadista cunaqabateynta hubka.

Related posts

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026

Madaxweynaha ayaa uga mahadnaqay Boqortooyada Dowladda Ingiriiska doorka ay ka qaadato tababarida ciidamada Soomaaliyeed, xilli ay Soomaaliya isku diyaarineyso la wareegida mas’uuliyada amni ee dalka, kadib bixitaanka qeybaha ka harsan ciidamada ATMIS.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha Gaashaandhiga Boqortooyada Ingiriiska Mudane James Stephen ayaa bogaadiyey horumarada muuqda ee ay si wadajir ah ugu tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo xusay sida ay uga go’an tahay dowladdiisa xoojinta iskaashiga difaaca iyo la dagaallanka argagixisada ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo UK.

Previous Post

Wasaarada Xanaanada Xoolaha Galmudug oo Gaalkacyo ka furtay shirka Olalaha Ceymiska Xoolaha

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Kenya

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

Wasiirka Qoyska XFS oo khudbad ka jeedisay Shirka Haweenka Adduunka ee New York

March 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeedisay shirka Haweenka Adduunka ee ka socda magaalada New...

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In