Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ka dib markii uu dalka Turkiga uga qeyb galay shirka 3-aad ee Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya.
Kulanka labada Madaxweyne ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeeyaan dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha iyo Difaaca.
Soomaaliya iyo Turkiga ayaa dhowaan wada galay heshiis caalami ah oo quseeya dhanka Difaaca iyo dhaqaalaha.