Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Barnaamijyada

Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”

Ali Ahmed by Ali Ahmed
March 12, 2024
in Barnaamijyada, Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Garbahaareey oo u gudbay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 2-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Garbahaareey iyo Xamar Jajab oo ka kala tirsan Gobollada Gedo iyo Banaadir , waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Garbahaareey iyo Xamar Jajab ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025

Garbahaareey

Tartameyaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, ttodobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Xamar Jajab, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Garbahaareey ay heleen waxay noqotay Labo iyo Toban (12) dhibcood.

Xamar Jajab

Tartamayaasha Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Xamar Jajab waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Hadaba kulankii 2-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 3-aad ee tartanka, waxaa ku baratami doona degmooyinka Howlwadaag iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Galgaduud.

Previous Post

Soomaaliya oo ka qeybgashay kalfadhigga 68-aad ee Qaramada Midoobay

Next Post

Qoysaska ay ka tegeen geesiyaashii Naftooda u waayay difaaca dalka oo deeq raashin ah la gaarsiiyay

Next Post
Qoysaska ay ka tegeen geesiyaashii Naftooda u waayay difaaca dalka oo deeq raashin ah la gaarsiiyay

Qoysaska ay ka tegeen geesiyaashii Naftooda u waayay difaaca dalka oo deeq raashin ah la gaarsiiyay

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka oo kormeeray deegaanka Bariire

August 9, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah...

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo  ka furmay Baydhabo

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

August 9, 2025
0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Marwo Josephine Sundqvist

August 9, 2025
0

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA ku soo dhaweeyay Madaxa Hay’adda  Läkarmissionen International...

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

Bandhig lagu xoojinayo is-dhexgalka laamaha ammaanka iyo Bulshada gobolka Banaadir oo lagu qabtay degmada Yaaqshiid

August 9, 2025
0

Iyadoo la fulinaayo amarka ka soo baxay  Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa hoggaanka Xiriirka Bulshada ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In