Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”

Ali Ahmed by Ali Ahmed
March 13, 2024
in Wararka
0
Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 4-aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Deyniile iyo Kaxda oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir, waxaana barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelineya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartameyaasha labada degmoo ee Deyniile iyo Kaxda ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Deyniile

Tartameyaasha Degmada Deyniile Garbahaareey ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay si sax ah uga jawaabeen Saddex su’aal, halka ay iska qaldeen Afar su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Kaxda, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Deyniile ay heleen waxay noqotay Sideed (08) dhibcood.

Kaxda

Tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal. waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareer martay tartamaayasha Deyniile, sdaa darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Kaxda waxay noqotay Toban (10) dhibcood.

Hadaba kulankii 4-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 5-aad ee tartanka, waxaa jiri doono labo tartan, waxaana kulanka hore ku baratami doona degmooyinka Gaalkacyo iyo Dhoobley oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halka kulanka labaad ay ku tartami doonaan Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir.

Sawir qaade: Khadar Cali Nuur

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo agab Caafimaad kala wareegtay Safaaradda Shiinaha

Next Post

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay deyn laga cafinaayo Soomaaliya oo dhan 1.2 Bilyan

Next Post
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay deyn laga cafinaayo Soomaaliya oo dhan 1.2 Bilyan

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo saxiixay deyn laga cafinaayo Soomaaliya oo dhan 1.2 Bilyan

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In