Friday, October 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Qudbad ka Jeediyay Shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Qudbad ka Jeediyay Shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa ku boorriyay hay’adaha maaliyadda caalamka in ay ka qeyb qaataan sidii Soomaaliya ay u heli lahayd maalgelin lagu horumarinayo kobcinta ilaha dhaqaalaha si ay taageero ugu noqoto dowladda Soomaaliya oo ka gudbaysa dhammaan marxaladaha deyn cafinta, wuxuuna sheegay in ay si dhow ula shaqan doonaan saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya “ Waxa aan si dhow ula shaqeyn doonaa dhammaan saaxibbada caalamka ee Dowladda Soomaaliya ku garabka taagan horumarinta nidaamka Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka”.

Related posts

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025

Wasiirka oo ka hadlay shirka Guga (Spring Meetings) ee hay’adda Lacagta Addunka iyo Baanka Addunka ee ka socda Magaalada Washington oo diiradda lagu saaray dhismaha hay’adaha maaliyadeed ee Caalamka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee dib u habaynta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa ka qaybgalayaasha la wadaagay geeddiga dib u habaynta dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya, halkii laga yimid, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha laga soo gudbay, dedaaladaas oo horseeday guushii dayn cafiska ee ay Soomaaliya hanatay iyo himillooyinka kale ee lagu raad joogo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sogan Magaalada Washington oo uu ka socdo shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka, ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo guud iyo kuwo gaar ahaaneed la yeeshaan hay’adaha iyo dalalka ka qayb galay shirkaas.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo qaabbilay Orodyahan Cabdullaahi Jaamac

Next Post

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku guuleysteen Abaal-marinta Tabarruca Beirut 

Next Post
Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku guuleysteen Abaal-marinta Tabarruca Beirut 

Koox Dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku guuleysteen Abaal-marinta Tabarruca Beirut 

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

From Poverty to Prosperity: A Shared Commitment to Jobs, Equity and Resilience for Somalia

October 16, 2025
0

By H.E. Bihi Iman Egeh, Minister of Finance, Federal Government of Somalia, and Hideki Matsunaga, Country Manager, World Bank Group,...

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka oo ku guuleysatay abaalmarin Caalami ah

October 16, 2025
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta ka heshay abaalmarin iyo aqoonsi heer caalami ah shirkii World Food Forum, taasoo...

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

Madaxweynaha JFS oo qaabilay Xildhibaannada Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika

October 16, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay xubnaha cusub ee la doortay ee...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kulan la qaatay Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka EAC

October 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo la kulmay Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In