Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed oo weli wada dadaalada looga hortegi lahaa saameynta roobabka xilliga Gu’ga ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda Nugul ayaa maanta qabatay kulan balaaran oo ay ka soo qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Maamul Gobaleedyada dalka.
Shirkaan oo ujeedkiisu ahaa dardar galinta iyo u diyaar garoowga roobabka gu’ga ayaa waxaa daah furtay gudoomiyaha Hay’adda iyadoo carabka ku adkeysay muhiimada ay leedahay wada shaqeynta Hay’addaha Dowladda, wadaagista xogaha iyo isku xirka gargaarka.
Shirkan waxaa la isku dhaafsaday xogaha casharadii laga bartay xili roobaadyadii hore, khataraha kadhasha roobabka, agabyada loo baahan yahay iyo sidii looga hortagi lahaa.
Ugu danbeyn waxaa la isla gartay in lahelo xog hubanti leh oo ay dowladdu leedahay taasoo gundhig u noqota ka jawaabidda saameynta roobabka la filaayo.