Friday, May 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay xarunta Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Hirshabeelle oo kormeer ku tegay xarunta Hay’adda SoDMA “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo booqday xaruunta dhexe ee hay’adda SoDMA, waxa uuna kulamo kala duwan la qaatay mas’uuliyiinta hay’adda oo uu horkacayo Guddoomiyaha Hay’adda mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.

Guddoomiye Maxamuud ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Hirshabeelle dedaallada ay hay’adda ka waddo guud ahaan degaannada maamulka #Hirshabeelle ee ah gargaar siinta kuwa dantayar iyo ka hortagga roobabka gu’ga in ay khasaaro xooggan kala kulmaan.

Related posts

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa xusay in shixnado gargaar ah ay hay’adda gaarsiisay qaar ka mid ah degaannada maamulka Hirshabeelle, taas oo iskugu jirta maacuun, bacaha roobka laga dugsado, bustayaal, jiingado, qalabka dhismaha, si haddii ay waxyeello timaado Alle ma qadaree ay dadka gabaad uga dhigtaan.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay hay’adda SoDMA shaqada ay ka qabatay degaannada maamulkaad xilligii ay jireen abaaraha iyo fatahaaddii #ElNino iyo sidii ay ugu gurmatay shacabka intii lagu guda jiray xorreynta degaannada maamulka Hirshabeelle.

Sidoo kale Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa mas’uuliyiinta hay’adda SoDMA la wadaagay in hadda ay billaw yihiin roobabka gu’ga, fataahadana ay ka jiraan qaar ka mid ah degaannada maamulka Hirshabelle, waxa uuna ka codsaday hay’adda SoDMA in ay u diyaar garoobaan badbaadinta dadkaas danta yar.

Previous Post

Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Tanzania oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka Labada dal

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo qaabilay Safiirka Masar ee Soomaaliya

Agaasimaha Caafimaadka Galmudug oo akhriyay warmurtiyeedka shirka maalgelinta caafimaadka

April 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Galmudug, Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa akhriyay warmurtiyeedka Shirweynaha 1aad ee...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga Fikirka Xagjirka ah

April 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta shir guddoomiyay Madasha Isku Xirka Howlaha Ka Hortagga...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Gaaray Johannesburg kadib Casuumaad uu ka helay Jaaliyadda Soomaaliyeed

April 30, 2026
0

wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadara), ayaa gaaray magaalada...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress

April 30, 2026
0

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA Mudane Cali Cabdi Maxamed, ayaa ka mid noqday 54 guddoomiye oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In