Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Yuusuf Cali Xoosh iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdixakiim Ashkir ayaa qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya, Lionel Laurens.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha dib-u-heshiisiinta, horumarinta dowladaha hoose iyo xasilinta Iyo arrimo kale.
Wasiir Xoosh oo Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya uga warbixiyay dadaaladda dowladda ee Banii’aadnimada ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta Dowladaha hoose, Dhab u heshiinta iyo Xasillinta deegaannada laga xorreeyay khawaarijta si looga jawaabo arrimaha u baahan gergaarka Banii’aadnimada.