Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay go’aamo ka soo baxay Sacuudiga oo lagu qabtay Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay go’aamo ka soo baxay Sacuudiga oo lagu qabtay Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir looga hadlayay go’aamo cusub oo ay soo saartay Wasaaradda Xajka ee Dowladda Sacuudiga ayaa lagu qabtey xarunta Xafiiska Arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee magaalada Makah.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiinta xamladaha Shirkadaha Xajka ka shaqeynaya iyo Mas’uuliyiinta Xafiiska Arrimaha Xajka ayaa diiradda lagu saarey sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aanada Wasaarada Xajka.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Kulankan ayaa lagu soo qaadey sidii Xujeyda Soomaaliyeed loo wada gaarsiin lahaa Kaarka Xaajiga ee Nusuk, loo Tayeyn lahaa soo dhoweynta Xujeyda Soomaaliyeed, Sida loogu diyaar garoobi lahaa Maalmaha Xajka ee na soo aadan,  loona nidaamin lahaa Biyaha Zam-Zamka ee ay qaadanayaan Xujeyda Marka ay dalka dib ugu laabanayaan.

Sidoo kale, waxaa shirkan lagu soo qaadey sidii loo hagaajin lahaa Hadyiga oo ah neefka Xoolaha uu gowracayo Xaajiga, Xilliga Xajka, iyadoo Wasaarada Xajka Dowlada Sacuudiga ay soo jeedisay in la hagaajiyo Habka loo bixinayo Hadyiga.

Kulankan waxa uu daba joogaa kulamo iyo dadaalo uu wado xafiiska Arrimaha Xajka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, kuwaasi oo si is daba joog ah u dhaca.

Previous Post

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qayb galay kulanka 60-Aad ee Golaha Wasiiradda Carabta

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kula la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNOCHA

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo kula la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNOCHA

Guddoomiyaha SoDMA oo kula la qaatay wafdi ka socday Hay’adda UNOCHA

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In