Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xirtay aqoon-is-weydaarsi soconayay muddo laba maalmood ah.
Aqoon-is-weydaarsigan oo diiradda lagu saarayay Hannaanka Horumarinta Istaraatijiyadda ee Dib u eegista Nidaamka Maalgelinta Khatarta Masiibada (DRF) ayay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed, iyadoo kaashanaysa hay’addaha Start Network iyo Save the children.
Aqoon-is-weydaarsigan oo loo qabtay qaar ka mid shaqaalaha Hey’adda SoDMA iyo wakiillo ka socday Wasaaraddaha gargaarka dowlad goboleedyada iyo Wasaaradaha heer Federaal ee dalka, waxaa goobjoog ka ahaa Maareeyaha xarunta Qaran ee NEOC, Agaasimaha Maareynta khataraha masiibooyinka iyo Madax ka socotay Hay’adda Start Network.