Wednesday, August 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jawaari

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Sh. Cismaan Jawaari
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxriistee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee Prof Jawaari uu ahaa shaqsi wakhti badan usoo huray dowladnimada Soomaaliyeed mudo aad u badanna Qaranka usoo adeegay.

Related posts

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026

“Innaa lillaah wa innaa ileehi raajicuun illaahey ha u naxriisto Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waa uu ahaa oday iyo siyaasi cimrigiisa inta ugu badan kusoo qaatay u adeegida Qaranka Soomaaliyeed,sidoo kalena kaalin weyn ka qaatay dhisida dowladnimada Soomaaliya” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Allaha ha u naxriistee marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu Shacabka Soomaaliyeed ku dhex lahaa taariikh aan la iloobi doonin.

“Allaha ha u naxriistee Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxaa u ahaa siyaasi odaytinimadiisa Iyo aqoontiisaba inta badan cimrigiisa ugu soo adeegay Qaranka Soomaaliyeed,waxa uu ummada Soomaaliyeed dhexdeeda ku lahaa taariikh mug weyn, Naftiisa iyo waqtigiisa inta ugu badan waxa uu u huray dib u dhiska dalka, waxa uu gacan weyn ka gaystay dib u qorida dastuurka dalka” ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Alle uga baryay in uu janatul Fardowsa ka waraabiyo,dhamaan umadda Soomaaliyeedna uu samir Iyo iimaan ka siiyo.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Next Post

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jawaari

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka tacsiyadeeyay geerida Maxamed Sh. Cismaan Jawaari

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Jawaari

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

Soomaaliya iyo Shiinaha oo bilaabay Madasha Ganacsiga ee Muqdisho(MAQAAL)

August 26, 2026
0

Madashu waxay iskugu keenaysaa mas'uuliyiinta dowladda, maal-gashadayaasha Shiinaha iyo hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed si ay uga wada hadlaan fursadaha ka jira...

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka oo aqbalay Go’aankii Maxkamadda Sare

August 26, 2026
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha, isagoo fulinaya awoodihiisa Dastuuriga ah, kuna dhaqmaya sharciga doorashooyinka Qaranka, sharciga dhisidda Guddiga...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮 𝐗𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐅𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐗𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

August 25, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u furay Madasha Isku-xirka Ganacsiga...

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

Danjiraha JFS ee dalka Kenya oo xarunta safaaradda ku qaabilay Ruth Anne Stevens 

August 25, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ku qaabilay Ruth...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In