Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku saxiixay Buugga tacsida Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka, Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Madaxweynaha ayaa Marxuum Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Alle uga baryay inuu ka waraabiyo Janatul Fardowsa, waxaana uu la kulmay ehelada Marxuumka oo uu markale la qeybsaday tacsida.