Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo Degmada Luuq ee gobolka Gedo u jooga xalinta shaqaaqooyinkii maalmahan ka jiray halkaas ayaa kulamo kala duwan oo xal lagaga gaarayo wixii dhacay la yeeshay maamulka Degmada, Hayโadaha amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.
Kulanka ayaa si guul ah ku soo dhamaaday waxaana uu qorshahu yahay in la xoojiyo sidii bulshada Degmada Luuq ay ku wada noolaan lahaayeen Nabadgelyo.