Monday, April 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xildhibaannada oo markale ka dooday dhismaha Hay’adaha Madaxa Banaan ee aan miisaaniyadda lahayn

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Xildhibaannada oo markale ka dooday dhismaha Hay’adaha Madaxa Banaan ee aan miisaaniyadda lahayn
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaannadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 5-aad kulankiisa sedaxaad waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka doodda dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn oo soo bilaabatay kulankii 2-aad ee sabtidii lasoo dhaafay qabsoomay,waxaana xildhibaanadda dood kulul oo ay ka yeesheen arrintaasi badankood sheegeen in loo baahanyahay in golaha dib loogu soo celiyo hay’adaha kuwa hada jira si uu dib u eegis ugu sameeyo.

Related posts

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa gaba gabada dooda ka dib sheegay in dooda la xiriirta dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn lasoo gaba gabeeyay islamarkaana dooda iyo aragtiyada xildhibaanada ee arrintan la xiriirta guddi gaar ah loo saari doono.

Dhinaca kale habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa fadhiga golaha ka yeeriyay liiska xildhibaanada fasax la’aanta kaga maqnaa kulanka.

Ugu dambeyn Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta guntanka ama kooramka kulamada guud ee golaha shacabka,waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin in kulamada golaha ay kooram la’aan u baaqdaan islamarkaaana lala xisaabtami doono xildhibaanada fasaxa la’aanta kulamada golaha uga maqan.

Previous Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta oo lagu soo dhaweeyay magaalada Helsinki ee dalka Finland 

Next Post

R/W Xamsa “Geeddi socodka hannaanka Maaliyadda, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka”

Next Post
R/W Xamsa “Geeddi socodka hannaanka Maaliyadda, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka”

R/W Xamsa "Geeddi socodka hannaanka Maaliyadda, waxa uu kulmiyey dhammaan geeddigii loo soo marayey dhismaha hey’adaha dalka"

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

April 26, 2026
0

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ballaaran oo ay isugu yimaadeen siyaasiyiinta, isimada dhaqanka, cuqaasha,...

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

Wejiga labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada oo la soo gabagabeeyay

April 26, 2026
0

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo gabagabeysay wejigii labaad ee wadatashiyada Qorshaha Qaran ee Dhallinyarada, Nabadda...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda Maalgashiga Cumaan

April 26, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan heer sare ah kula yeeshay magaalada...

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay wafdi ka socday Hay’adda CIVIC

April 26, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuql Insaanka Qaranka, Dr Maryan Qasim ayaa kulan heer sare ah la yeelatay wafdi ka socda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In