Hawlgal qorshaysan oo ay galabta ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaanada Mesegawaay iyo Cawsweyne ee gobolka Galgaduud ayaa lagu dilay in ka badan 50-Kawaarij ah oo ay ku jiraan horjoogayaal.
Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ciidanku ay heleen xogo sirdoon, taas oo u suuragalisay inay dhabarka ka jabiyaan maleeshiyaadka is aruursanayey.
Dagaalka galabta ayaa maleeshiyaadka lagu dilay waxaa ka mid ahaa horjooge Xuseen Cali oo hoggaaminayey qayb ka mid ah khawaarijta.
Taliye Dayax ayaa sheegay inay ciidanku haatan ku suganyihiin goobihii lagu dagaalamay, islamarkaana ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan maydadka ay ka carareen Khawaarijtu iyo hubka laga furtay